0:00
0:00

Cutub 4

Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi,
3 intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jir dhammaan intii hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.
4 Tanu waa hawshii reer Qohaad ee ku jirtay teendhada shirka. Waa inay waxyaalaha ugu wada quduusan ka adeegaan.
5 Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.
6 Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.
7 Oo miiska kibista tusniintana waa inay ku kala bixiyaan maro buluug ah, oo ay dusheedana saaraan suxuunta, iyo malqacadaha, iyo maddiibadaha, iyo koobabka wax lagaga shubo, oo kibista joogtada ahuna waa inay saarnaataa,
8 oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.
9 Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.
10 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba waa inay dhex geliyaan harag adhidibadeed oo markaas waa inay usha lagu qaado sudhaan.
11 Oo meesha allabariga oo dahabka ahna waa inay maro buluug ah ku daboolaan, oo ay ku dedaan ded harag adhidibadeed ah, oo markaas waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.
12 Oo waa inay qaadaan alaabta lagu adeego oo dhan oo ay kaga adeegaan meesha quduuska ah, waana inay maro buluug ah ku wada dhex ridaan oo ay ded ah harag adhidibadeed ku dedaan, oo ay usha lagu qaado sudhaan.
13 Oo waa inay meesha allabariga dambaska ka daadiyaan, oo ay maro guduudan ku kala dul bixiyaan.
14 Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan.
15 Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan.
16 Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba.
17 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,
18 Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,
19 laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,
20 laakiinse iyagu waa inaanay xataa daqiiqad u gelin inay waxyaalaha quduuska ah arkaan, yaanay dhimane.
21 Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
22 Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri.
23 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.
24 Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba.
25 Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka,
26 iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.
27 Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan.
28 Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.
29 Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.
30 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
31 Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,
32 iyo tiirarka barxadda ku wareegsan, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda, iyo xadhkahooda, iyo alaabtooda oo dhan, iyo hawshooda oo dhan. Oo magac magac waa inaad ugu amartaan alaabta ay qaadayaan.
33 Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.
34 Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer,
35 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
36 Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.
37 Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.
38 Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey,
39 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,
40 xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.
41 Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen.
42 Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,
43 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,
44 xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.
45 Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.
46 Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,
47 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado,
48 xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan.
49 Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.