0:00
0:00

Cutub 3

Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.
2 Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
3 Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.
4 Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.
5 Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
6 Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.
7 Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
8 Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
9 Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.
10 Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
11 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
12 Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii,
13 waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
14 Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi,
15 Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.
16 Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.
17 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
18 Oo kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoon siday qolooyinkoodu yihiin, Libnii iyo Shimcii.
19 Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.
20 Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin.
21 Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.
22 Oo kuwii iyaga laga tiriyey siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kulli intoodii la tiriyey waxay ahaayeen toddoba kun iyo shan boqol.
23 Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan.
24 Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.
25 Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka,
26 iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.
27 Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.
28 Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.
29 Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan.
30 Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.
31 Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.
32 Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.
33 Oo Meraariina waxaa ka soo farcamay reer Maxlii iyo reer Mushii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Meraarii.
34 Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol.
35 Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.
36 Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,
37 iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.
38 Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.
39 Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.
40 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab.
41 Oo waa inaad ii qaaddaa reer Laawi intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo waa inaad xoolaha reer Laawina ii qaaddaa intii aad ii qaadi lahayd curadyada xoolaha reer binu Israa'iil oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
42 Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.
43 Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.
44 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
45 Reer Laawi ii qaad intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo xoolaha reer Laawina ii qaad intii aad ii qaadi lahayd xoolaha reer binu Israa'iil, oo reer Laawi kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
46 Oo labada boqol iyo saddex iyo toddobaatanka curad oo reer binu Israa'iil oo ka sii badan reer Laawi,
47 madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.)
48 Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa.
49 Markaasaa Muuse lacagtii ka qaaday kuwii ka sii badnaa kuwii lagu madax furtay reer Laawi.
50 Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
51 Oo Muuse lacagtii madaxfurashada ahayd wuxuu u dhiibay Haaruun iyo wiilashiisii, siduu ahaa eraygii Rabbigu Muuse ku amray.