0:00
0:00

Cutub 23

Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,
2 oo wuxuu ku yidhi, Culimada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse.
3 Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.
4 Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.
5 laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko. waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
6 waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha. iyo kursiyada hore oo sunagogyada,
7 iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.
8 laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin. waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin.
9 Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo. mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira.
10 Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa.
11 laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkiinna.
12 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
13 laakiin waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay oo laba-wejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
14 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.
15 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay. laba-wejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.
16 Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
17 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka qoduus ka dhiga?
18 Oo weliba waxaad leedahay, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda qoduus ka dhigta?
20 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba.
21 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba.
22 Oo kii jannada ku dhaartaana wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.
23 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, rexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
25 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.
26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
27 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.
28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa laba-wejiilenimo iyo dembi.
29 Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;
30 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannaan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.
31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.
32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?
34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha qoduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.
36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
37 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
38 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.
39 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.