0:00
0:00

Cutub 23

Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.
2 Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.
3 Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.
4 Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,
5 oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa.
6 Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.
7 Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.
8 Sidaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii.
9 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil.
10 Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.
11 Markaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
12 Oo Catalyaahna markay maqashay qayladii dadka iyo iyagoo ordaya oo boqorka ammaanaya ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.
13 Oo bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow!
14 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa soo bixiyey boqol-u-taliyayaasha ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka dhex mariya, oo kii soo raacana seef ha lagu dilo, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada ha ku dhex dilina guriga Rabbiga.
15 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
16 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.
17 Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.
18 Markaasaa Yehooyaadaac hawshii guriga Rabbiga u doortay wadaaddadii reer Laawi ahaa oo Daa'uud ku dhex qaybiyey guriga Rabbiga, inay qurbaannada la gubo oo Rabbiga u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharcigii Muuse, iyagoo faraxsan oo gabyaya siduu ahaa amarkii Daa'uud.
19 Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.
20 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol-u-taliyayaashii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii dadka, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo kaxeeyeen gurigii Rabbiga, oo intay iriddii sare soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka, kolkaasay boqorkii ku fadhiisiyeen carshigii boqortooyada.
21 Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna ayay seef ku dileen.