0:00
0:00

Cutub 25

Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.
2 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.
3 Oo maalintii sagaalaad oo bishii afraad ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.
4 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)
5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay ku gaadheen bannaannadii Yerixoo; oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.
6 Oo markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah, wayna xukumeen.
7 Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.
8 Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.
9 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.
10 Markaasaa ciidankii reer Kaldayiin oo dhan oo la socday sirkaalkii askarta waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa.
11 Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.
12 Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
13 Markaasaa reer Kaldayiin jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.
14 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.
15 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
16 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo saldhigyadii uu Sulaymaan u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.
17 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, oo korkiisana waxaa sarnaa taaj naxaas ah; oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas; tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo shabag.
18 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;
19 oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.
20 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.
21 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
22 Oo dadkii dalka Yahuudah lagaga tegey oo Nebukadnesar oo boqorkii Baabuloon ahaa uu uga tegey, kuwaas wuxuu taliye uga dhigay Gedalyaah ina Axiiqaam oo ahaa ina Shaafaan.
23 Haddaba saraakiishii ciidammada oo dhammu iyaga iyo raggoodii markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu Gedalyaah ka dhigay taliye ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, oo kuwaasu waxay ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanhumed oo reer Netofaah ahaa, iyo Ya'asanyaah oo uu dhalay kii reer Macakaad, iyagii iyo raggoodiiba.
24 Markaasaa Gedalyaah u dhaartay iyagii iyo raggoodiiba, oo ku yidhi, Ha ka cabsanina addoommada reer Kaldayiin; haddaba dalka degganaada oo boqorka Baabuloon u adeega, oo waad nabdoonaan doontaan.
25 Laakiinse bishii toddobaad Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac oo farcankii reer boqor ahaa ayaa yimid, isagoo toban nin wata, markaasuu dilay Gedalyaah oo uu dhintay, isaga iyo Yuhuuddii iyo reer Kaldayiin oo isaga Misfaah la joogayba.
26 Markaasaa dadkii oo dhan yar iyo weynba iyo saraakiishii ciidammada way kaceen oo waxay tageen Masar, waayo, waxay ka cabsadeen reer Kaldayiin.
27 Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalkii Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu xabsigii ka soo bixiyey Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
28 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshiyadii boqorradii isagii Baabuloon la joogay.
29 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba.
30 Oo xagga masruufkiisana boqorka xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo maalin kasta qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.