Xaqiiqdka ka fog


  • Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro; maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga. Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan. Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen. Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta. Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo; maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin. Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray. Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen; rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa. Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,
    ROOMA 1:18-28
  • Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada; oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna, oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
    EFESOS 4:22-24
  • Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
    LAAWIYIINTII 20:13
  • Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
    1 KORINTOS 6:9-11
  • Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
    EFESOS 5:3
  • Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.
    CIBRAANIYADA 13:4