Sharci waafacsanimo


  • Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo? Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha? Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin. Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
    MATAYOS 17:24-27
  • Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin? Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow? I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar. Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan? Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
    MATAYOS 22:17-21
  • Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada. Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan, amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala.
    1 BUTROS 2:12-14
  • Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.
    MATAYOS 5:25-26
  • Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa.
    MATAYOS 10:18, 19
  • Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey.
    ROOMA 13:8
  • Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo? Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.
    YOOXANAA 19:10, 11
  • Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro. Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya. Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii. Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud, in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.
    LUUKOS 2:1-5
  • Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale. ... Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.
    ISHACYAAH 40:15, 17
  • Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.
    1 KORINTOS 16:9
  • Naf waluba ha ka dambayso kuwa a marka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna. Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas. Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.
    ROOMA 13:1-7