Ku dagaalamayaa


  • MARKOSaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.
    BAXNIINTII 14:13
  • Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
    SABUURRADII 35:1
  • Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
    SABUURRADII 98:1
  • Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa.
    ISHACYAAH 35:4
  • Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.
    2 TIMOTEYOS 4:18
  • Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?
    CIBRAANIYADA 13:6
  • Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
    1 YOOXANAA 3:8
  • Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii MARKOShaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
    MUUJINTII 12:11