Amaan


  • Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga.
    NEXEMYAAH Nehemiah 8:10
  • Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
    SABUURRADII 34:1
  • Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
    SABUURRADII 50:23
  • Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa. Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare. Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer. Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.
    SABUURRADII 150
  • Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
    SABUURRADII 89:14
  • Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
    SABUURRADII 89:15
  • Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya. Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
    SABUURRADII 100:1, 2
  • Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
    SABUURRADII 92:1
  • Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
    SABUURRADII 101:1
  • Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
    SABUURRADII 97:1
  • Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.
    SABUURRADII 97:12
  • Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah. 2 Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
    SABUURRADII 103:1, 2
  • Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya. Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad. Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado. Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
    SABUURRADII 149:1, 3-5
  • Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
    SABUURRADII 50:23
  • Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
    FALIMAHA RASUUL 16:25
  • Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa. Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.
    TAARIIKHDII LAB 20:21, 22
  • Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
    1 TESALONIIKA 5:18
  • Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.
    CIBRAANIYADA 13:15
  • Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
    SABUURRADII 71:8
  • Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
    SABUURRADII 71:14
  • Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
    SABUURRADII 113:3
  • Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya. Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.
    EFESOS 5:19, 20
  • Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.
    MUUJINTII Revelations 19:5